Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maal qabeennada iyo qurbajoogta degmada Raaso oo loo oggolaaday inay soo dejistaan baabuur aan wax canshuur ah laga qaadaynin ama canshuur dhaaf loo samaynayo.

Maal qabeennada iyo qurbajoogta degmada Raaso oo loo oggolaaday inay soo dejistaan baabuur aan wax canshuur ah laga qaadaynin ama canshuur dhaaf loo samaynayo.
Wararka naga soo gaadhaya degmada Raaso ee gobolka Afdheer ayaa sheegaya in guddoomiyaha degmada Raaso uu u sheegay dadka maalqabeennada ah iyo dadka qurbajoogta ah ee degaanka Raaso ka soo jeeda inay leeyihiin baabuur canshuur dhaaf ah oo aan wax canshur ah laga qaadaynin shaqsiga soo dejisanaya balse wuxu intaas ku daray in baabuurta degmada loo oggolaaday ee canshuur dhaafka loo sameenayo, tiro go’an lagu xaddiday inkastoo uuna sheegin tiradaas.
Tallaabadan ayaa ah tii ugu horraysay ee dadka reer Raaso ay fursad u heleen waxaana aad u soo dhaweeyay arrintan shacabka ku dhaqan degaanka Raaso oo ku tilmaamay inay tahay fursad ama guul aan horey u soo marin.
Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka reer Raaso la siin doono ilaa 20 madax xafiiseed oo ka kala shaqayn doona degmooyinka ay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka koobantahay, kuwaas oo ayagana loogu talagalay inay noqdaan baddalka madax xafiiseeddadii ay Raaso gudaheeda ku yeelan lahayeen madaamo oo maamulka hadda Raaso ka arrimiyaa uuna ahayn dadka deggan degaanka Raaso balse uu yahay dib u curashada oo ah in cid kasta ama shaqsi kasta oo meel loo dhiibayo degaan aan ahayn kii uu u dhashay loo dhiibo.
Si kastaba ha ahaatee, waxaad mooddaa beryahan danbe dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya dadka ku nooli inay haystaan fursado aan sooyaalkooda soo marin, gaar ahaan deegaannada Raaso. Fursadahan iyo isbaddalkan muuqda ayaa waxa loo sababaynayaa siyaasadda toosan ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu ku hoggaaminayo DDSI, taas oo wax weyn ka baddashay dhanka amniga, dhisitaanka waddooyinka, biyo-qodista, horumarinta beeraha, dibu-dejinta dadka reer guuraaga ah, korontada, isgaadhsiinta, caafimaadka, waxbarashada, ka faa’idaysiga maalgashiga dadka qurbajoogta ah iyo is-dhexgalka bulshada.

Cabdi Axmed Dhegacadde
Dirridhaba – Itoobiya
Xafiiska wararka
Sudan, Kharrtoum
Axmed Filibiin

You must be logged in to post a comment Login