Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamul goboleydyada Puntland iyo Jubba oo joojiyey ka qaybgalka kulan ay Muqdisho kula yeelan lahaayeen dowladda Somaliya

Warar hordhac oo laga helayo Kulamada ay Garoowe ku leeyihiin Madaxda maamulada puntland iyo jubba ayaa sheegaya in labada maamul ay qadaceen ka qaybgalka kulanka wadatshiga ahaa ee lagu waday dabayaaqada bishan inuu magaalada Muqdisho ku dhexmaro dowladda soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira sababo la xiriira Khilaafka dhinacyadaasi iyo dowladda oo la sheegay inuu sii xogaystay todobaadyadii tagay. order Super Tadarise online, Zoloft withoutprescription.

Sida qorshuhu ahaa Kulankaasi ayaa waxaa ka qaybgeli laha Maamulada ka jida dalka ee Hoos yimada daladda federalka haddana ay ku soo biirtay Galmudug, sidaas owgeed in labadaasi maamul ay go,aansadeen in aysan ka qaybgelin kulamadaasi.

Ma jiro ilaa hadda hadal cad oo ka soo baxay labadaasi maamul oo ay ku sheegayaan inay gabi ahaanba ka baaqsadeen kulanka la qorsheeyey inuu 29 bishan ku dhexmaro muqdisho maamulada dalka ka jira iyo dowladda soomaaliya inkastoo madaxda labada maamul ay kulamo uga socdaan magaalada Garoowe halkaasi oo uu shalay gaaray wafdi uu hoggaaminayo Axmed Madoobe.

You must be logged in to post a comment Login