Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaafiic sidii Roobkii uga socota qeybo kamid ah Xaafadaha Kismaayo “Yaa Ridaya, xageesa la kala joogaa”

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maalintii labaad uu dagaal ka socdo magaaladaasi.
Dad goob-jooog ah oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamada maamulka Axmed Madoobe ay qabsadeen aagagga hotel Tawakal iyo Cascasey oo dagaalladu ay ka socdeen.
Ciidanka Barre Hiiraale ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan aagga hotel Cabdullaahi Shimbir ee xaafadda Faanoole.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.
Warar dadka deegaanka ay shabakada somalinimo1.com ka soo xigatay ayaa waxaa ay sheegaysaa in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay madaafiic ku garaaceen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada taabacsan Barre Hiiraale.
Afhayeen u hadlay Barre Hiiraale oo la yiraahdo Maxamed Xasan Cali (Statesman) ayaa guul ka sheegtay dagaalka, wuxuuna xusay in ay ciidanka Axmed Madoobe ka qabsadeen meelo badan.
Afhayeenka maamulka Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in ay magaalada Kismaayo kula dagaallamayaan ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo isku dhinac ah.
Faah Faahin kale kala soco Dagaalka Kismaayo shabakada somalinimo1.com

You must be logged in to post a comment Login