Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb oo la caleemo saaray iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka oo ka qeyb galay.

Waxaa madaxtooyada magaalada Cadaado ee gobalka Mudug lagu soo gaba gabeeyay xaflad lagu caleemo saaraayay madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoona munaasabadaan ay ka qeyb galeen madax aad u badan.
Waxaa munaasabadaan xilidhibaanadii ka qeyb galay ka mid ahaa C/rashiid Xidig, Pro Ibbi iyo sidoo kale xildhibaan Hore C/qaadir Cali Cumar.
Waxay halkaasi ka jeediyeen hadalo dhiira gelin ah waxaana ay sheegeen in guul ay tahay in maamulka Ximan iyo Xeeb doorasho aan buuq lahayn ay galaan.
Waxaa dhanka kale halkaasi ka hadlay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Maxamed Aadan Tiiceey, isagoona xilkaasi si sharaf ku dheehan tahay ku wareejiyay.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Isha Allah.
Somalinimo1.com
Cadaado Somalia

You must be logged in to post a comment Login