Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in xiriirka Mareykanka

Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Linda Thomas-Greenfield ay maanta boqasho ku timid Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Booqashadaada waa mid calaamad u ah horumarka ballaaran ee aan sameynay. Macquul ma ahaan jirin in Masuul Mareykanka ka tirsan uu soo booqdo Muqdisho. Sanooyin ka hor magaaladan waxey aheyd mid dagaallo ka socdaan. Maantana dib u kabashadu waa mid maalin walba sii xoogoobeysa.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Linda Thomas-Greenfield oo ah Ku xigeenka Xogahayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka una qaabilsan Arrimaha Afrika, waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, aminga, horumarka ballaaran ee Dowladdu ku talaabsatay sanadkii la soo dhaafay, Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, Dib u heshiisinta iyo Aragtida fog ee Madaxweynaha eek u wajahan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin sanadka 2016.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadku ay hilmaamaan mudada yar iyo horumarka baaxadda leh ee dalka ka jira, waxuuna sheegay in Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nick Kay oo 10kii December warbixin siinayey Golaha Ammaanka ee QM inuu yiri “Caqabadihii Soomaaliya ay 3dii bilood la soo dhaafay la kulantay dhammaan si qurux badan baa loo xaliyey oo walaacii la muujinayey wuu beenoobay.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Maanta waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Linda Thomas-Greenfield iyo Dowladda Mareykanka taageeradooda joogtada ah ee Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay in Soomaaliya ay dib u soo kabato. Ciidanka Dowladdu waxey u baahanyahiin kaalmada caalamiga si loola dagaalo kooxaha nabad-diidka ah. Sidoo kale AMISOM waxey u baahantahay kaalmada caalamiga ah oo dagaalkan waa mid caalami oo u baahan dadaal caalami ah.”

“Dhalinteenu waxey u baahanyihiin inay bartaan in diintu ay fareyso inay ka fogaadaan kooxaha nabad-diidka ah. Waana inaan sii labajibaarnaa waxbarashada ubadkeenna si ay uga fogaadaan xagjirnimada iyo argagaxisada. Dowladduna waxey wadaa dadaal loogu magac daray Aada Iskuulka oo aan rajeyneyno in hal million oo carruur ah ay helaan waxbarasho tayo leh.”

“Soomaaliya waxey ku socotaa waddadii nabadda, horumarka iyo barwaaqada, oo aan dib u dhiseynaa hay’adihii dowliga ahaa ee bulshada u adeegi lahaa. Caqabadaha jirana waa kuwa aan adkeysi iyo samir uga gudbeyno, mana aha mid aan keligeen wada xalin karno waana sababta aan uga mahadcelineyno Mareykana oo na garab istaagan.”

You must be logged in to post a comment Login