Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Cismaan Caato ….WARSAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii,eheladii uu ka geeriyooday Cismaan Xasan Cali Caato oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxuu yiri “geeridu waa xaq waxaanna eebe uga baryayaa in Marxuum Cismaan Caato uu ka waraabiyo janadii,qoyskii,ehellada iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhanna uu samir iyo iimaan ka siiyo”

Cismaan Xasan Cali Caato wuxuu horey usoo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid aheyd Wasiirkii howlaha guud iyo isagoo xubin ka ahaa Baarlamaankii KMGka ahaa

– DHAMAAD –

You must be logged in to post a comment Login