Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha & R/wasaaraha Burkino faso oo la afduubtay

Wararka ka imaanaya Dalka Burkina Faso, ayaa sheegaya in Ciidamo katirsanaa Dowlada dalkaasi ay qafaasheen Madaxweynaha KMG ee Dalka Burkina Faso ,Ra’izul Wasaaraha Dalkaasi iyo xubno kale oo katirsan Golaha Wasiirada.

Ciidamada qafaashay Madaxda ugu sareeya dalka Burkina Faso ayaana wali ku dhawaaqin afgambi, sidoo kale lama oga ujeedka ka dabeeya in ay qafaashaan madaxda ugu sareysa ee dalkaasi iyo xubno katirsan Golaha Wasiirada.

clomid online, acquire clomid. Rasaas ayaa laga maqlayaa qeybo kamid ah Caasimada dalkaasi gaar ahaan halka ay ciidamada ku heestaan Madaxda sare, ciidamada ayaana rasaas ku furaya dad dibad baxayaal ah oo kasoo horjeeda qafaalka loo geestay madaxda sare.

Idaacada Dowlada ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in hawada laga saaray, waxaana dalka Burkina Faso ka taagan xiisad adag, waxa ayna arintan imaaneysay xili dhawaan la filayay in ay dalkaasi doorasho ka dhacdo.

You must be logged in to post a comment Login