Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Somalia oo Tababar uga Furay Boqollaal dhallinyaro ah oo Booliis ah (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo saakay dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar uu ku tagay Dalka Talyaaniga ayaa Tababar u furay in ka badan 300 Askari oo Booliiska DFS ka mid noqonaya, Tababbarkan ayaa ka furmay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jen. Kaahiye [Escola Policia].

Xafladda furitaanka tababarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq  Cumar Maxamed, Wasiir-u-dowlaha Amniga, Daa’uud C/kariin Sheekh Cumar, Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska iyo Marti-sharaf kale.

Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Xafladda furitaanka Tababarka hadal ka jeediyay ayaa Xusay in Qorshaha talisku yahay dib u dhiska Booliiska Soomaaliya iyo Tababariddooda, si ay u Xoojiyaan Howlaha ay ugu Adeegayaan Bulshada Sooamaliyeed.

“Waxaa halkan jooga Askar muddo bil ah tababar kusoo jiray, waxaana maanta loo furayaa Tababarkooda rasmiga ah oo socon doono muddo sagaal bilood ah, waxaa kaloo halkan ku sugan Arday kasoo baxday Dugsiyada Sare oo aan u Qaadannay in aan barno Khibradaha Taraafikada, ilaalinta Canshuuraha iyo Baarista dambiyada. Sidoo kale, Waxaa Halkan ku sugan labo dhallinyaro ah oo loo diyaarinayo leyli sarkaalnimo, annagoo la kaashan doono Waddamada gacan ka geysan kara tababaridooda, maadaama dugsigan uusan gaarsiisnayn heerka leyli sarkaal lagu tababari lahaa,” ayuu yiri Jen. Xaamud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia oo furay Tababarka ayaa ugu ku boorriyay Ciidamada tababarka loo furayay inay ka faa’iideystaan tababarka la siinayo oo ay noqdaan kuwa ugu adeega bulshada waxyaabaha ay tababarka ku qaataan.

“Dhallinyarada tababarkan u soconayo waa inay ogaadaan fahamka Saxda ah ee Booliiska, kan Hurda ee Jiifa iyo kan Iskuulka u dheelmanaya iyo kan kale ee soo jeedaya, intabada adiga dartaada ayay ku joogaan oo ay ku hurdayaan howsha aad bulshada u haysaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia wuxuu sidoo kale kula Dardaarmay Askartan Tababarka loo furay inay inay ilaaliyaan sharciga ayna ogaadaan inaysan jirin cid Sharciga ka sarreysa ama ka weyn.

“Ciidamada Booliiska waxaa laga rabaa inay ku adkeystaan oo aysan ka baqin qofka jabiya Qawaaniinta, ha ahaado sarkaal dowladeed, xildhibaan iyo ruux ka tirsan xafiisyada RW-ha ama Madaxweynaha oo aad Aamin-sanaato in Qofkaani uu ku Xad-gudbay Qaanuunka Sharcigana aad la tiigsataan, Adigoo aan wax xad-gudub ah ku kacayn,” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Somalia.

Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo furay ayaa waxay isugu jireen gabdho iyo wiilal da’yar ah, kuwaasoo Wajiyadoodu ay ka muuqatay riyaaqa ay u qabaan tababarka manta u furmay ee ay ku baranayaan sharciyada booliiska.

201596635771283567194625IMG_0614 buy Kamagra Soft online, clomid reviews. 201596635771282570458107IMG_0668 201596635771282003771732IMG_0633 201596635771281585936563IMG_0666

You must be logged in to post a comment Login