Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Soomaaaliya oo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed Geeridii ku timid Danjirihii Soomaaliya ee Dalka Koonfurta Afrika:-WARSAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eheladii, asxaabtii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Rabbi ha u naxaristee Marxuum Sayid Xasan Sharif Cabdullahi oo ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka Koonfurta Afrika.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Madaxweynahu Waxuu sheegay in Marxuum Sayid Xasan Sharif Cabdullahi uu ka geeriyoodey dhammaan umadda oomaaliyeed “Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun,Waxaan leenahay Allaah Samir ha inaga siiyo Marxuumka dhammaanteen, waxa uu ka tegey dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u matala dalka Koonfurta Africa kana shaqeynayey sidii xiriirka labada dal dhidibada loogu aasi lahaa” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa EEBBE uga baryey inuu Jannadii fardowsa ka waraabiyo dhammaanteenna samir iyo IIMAAN naga wada siiyo. AAMMIIN

– DHAMAAD –

You must be logged in to post a comment Login