Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta si heer ah sare ah loogu soo dhaweeyay Turkiga

20131029635186308429481655IMG_5943
Talaado, Oktoobar 29, 2013 — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey safarkan wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Jamaal Maxamed Barrow, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmaya madaxweynaha Turkiga, Cabdalla Gul iyo ra’iisul wasaaraha, Recep Tayyip Erdogan isagoo kala hadli doona xiriirka labada dal, isagoo uga mahadcelin doonaa doorkii hoggaamineed ee Turkiga ay ka qaateen in indhaha caalamka ay mar qura soo eegaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynahu waxuu kala hadli doonaa shirka berri ka dhacaya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa ciidanka dowladda Soomaaliya si loo soo af-jaro dagaalka Al-Shabaab, bacdamaa madaxda Turkiga ay garab istaagan yihiin Soomaaliya isla markaana ay caalamka si aad ah ugu ololeeyaan in Soomaaliya la garab istaago.

You must be logged in to post a comment Login