Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka June

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan 55-guurada munaasabadda 26-ka June oo ah markii ugu horeysey ee calan laga taago gobollada waqooyi ee dalka Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xafladda xuska 26-ka June oo ka dhacdey xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegay in maalintan ay taariikh weyn ku leedahay shacabka Soomaaliyeed.

Female Cialis online, cheap lioresal.

‘’Habeenkan oo kale 55 sanno ka hor waxaa qof walba oo Soomaali ah dareenkiisa buuxiyey farxad ah in calan laga taago dhul Soomaaliyeed, gumeysigana uu meesha ka baxo. Si gaar ah waxaan hambalyo kal iyo laab ah u diraya shacabka sharafta badan ee gobollada waqooyi oo markii ay xornimada qaateen, goobtan noogu yimid si loo unko midnimo Soomaaliyeed’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi diray shacabka iyo ehelada halgameyaashii dhiiggooda u hurey xornimadoonka, iyo shacabkii waxyeelada ay ka soo gaartey nidaamyadii dowliga ahaa ee dalka ka dhismey xornimada kadib, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dhibaatooyinkaasi cashar laga barto, lagana shaqeeyo in aaney dib u dhicin iyadoo muhimad la siinayo midnimada.
‘’Ma dafiri karno waxa dhacay, waxaana wada qirsanahay in dhibaatooyinka shacabka loo geystey ay ahaayeen kuwo fool xun. Waxaa loo baahan yahay in dhibaatooyinkaasi la iska daweeyo oo la helo xal lagu wada noolaan karo. Waa dhab in xusuus murugo leh ay nagu reebeen dhibaatooyinkaasi dhacay, hadana si aan horey ugu dhaqaaqno waa inaan is cafinaa oo aan dib nabad iyo caddaalad ugu wada noolaanaa. Himilooyinkii xornimada qaar ka mid ah waanu gaarney, qaar kale oo badanna waanu gaari weyney, marka si aan hawshaasi u dhameystirno waa inaan wadajir u shaqeynaa, isla markaana la dhisaa Soomaaliya cusub oo barwaaqo iyo nabad ku naaloota’’.

Waxaa Madaxweynuhu uu intaa ku darey in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista wadahadalka ay kula jirto Somaliland, isagoo isla markaana fariin gaar ah u direy.

‘’Mowqifka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ku wajahan Somaliland waa mid walaaltinimo iyo Soomaalinimo ku dhisan. Waan ugu hambalyeynayaa nabadda ay sameysteen. Ma dooneyno inaan colaad iyo dagaal ka hurino, ma dooneyno inaan dacaayad ka fidino, balse waxaan dooneynaa inaan la shaqeyno, wixii tabasho ah oo dhexdooda ka jirana aan la xalino, kadibna aan wadajir u wajahno baahida aan wada qabno ee ah Soomaaliya mideysan oo horumarsan’’.

Xaley saqdii dhexe ayaa waxaa isla xarunta gobolka la saarey calanka, iyadoo halkaasi uu Madaxweynaha salaan sharaf kaga qaatey cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida.

Munaasabadda waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ubax xusuus ah oo lagu xusayo 55-guurada xornimada gobollada waqooyi dhigey taalada Daljirka Dahsoon.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

You must be logged in to post a comment Login