Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Yemen oo Lix bilood oo Kaddib dib ugu Laabtay Magaalada Cadan (SAWIRRO)

Sublingual Viagra online, purchase clomid. 2015923635786020477878916Haaddi_oo_ku_Laabtay_Cadan (2) 2015923635786020781489918Haaddi_oo_ku_Laabtay_Cadan (5) 2015923635786020701708513Haaddi_oo_ku_Laabtay_Cadan (3) 2015923635786020606706618Haaddi_oo_ku_Laabtay_Cadan (4) Madaxweynaha dalka Yemen, Abdulrabu Mansuur Haaddi ayaa dib ugu laabtay Magaalada Cadan ee dalka Yemen; kaddib 6-bilood oo dibad-joog uu ahaa.

Haaddi ayaa ku sugnaa tan iyo markii uu Cadan ka cararay Horraantii sannadkan dalka Sucuudiga, iyadoo dagaallo xoog leh ay ka dhacayeen dalkiisa. Iyadoo dib u soo laabashadiisa ay calaamad ugu tahay in xoogagga taabacsan Haaddi oo ka helaya taageero Isbahaysiga uu Hoggaaminayo Suucuudiga ay deegaanno badan ka saareen Xoogagga Xuuthiyiinta ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Yemen ayaa lagu wadaa in Maalinta Ciiddul-Adxa ee ku beegan Berri oo Khamiis ah uu u duulo Magaalada New York ee dalka Mareykanka oo uu kaga qaybgalayo shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo toddobaadka soo socda ka furmi doona halkaas.

Ra’iisal Wasaaraha Yemen, Khalid Bahah iyo Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweynahooda Magaalada Cadan; iyadoo lagu wado inuu Haaddi soo dhiso xukuumad cusub.

Ishahaysiga Taageerada siiya Madaxweynaha Yemen geeyay ciidamo dhulka ah dalkaas, iyagoo tababarro siiyay ciidammo faro badan oo kuwa xukuumadda ah si ay uga hortagaan faafidda kooxaha Shiicadaha ah ee dagaalkaas dagaalka ka wada.

Ugu dambeyn, Kumannaan qof ayaa ka Qaxay Waddanka Yemen lixdii bilood ee lasoo dhaafay; kaddib dagaallada dalkaas ka socda oo deegaanno badan si dhaqso ah ugu faafay.

 

You must be logged in to post a comment Login