Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Masaajida iyo Godobtuu Ka Galey ina Godane(MAQAAL)

MASJID-DUMIYE

Masaajidda waa Guryaha Allaah, waa meel cibaado oo ay Muslimiinta ku guttaan shanta salaadood ee waajibka ah,

waa hooy waxbarasho oo lagu barto usuusha diinta, Caqiidada, Shareecada, Taariikhda Islaamka iwm.

Mashruucii ugu horeeyey uu Nabigeenii suubanaa (Nabad-gelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaato) uu sameeyey markuu u soo hijroodey Madiina waxuu ahaa dhisid Masjid, iyo Muslimiinta uu walaaleeyo, Muhaajiriin iyo Ansaar. Masaajidku wuxuu ahaa goobta diinta laga fidiyo, xarunta iyo taliska ciidamada , Maxkamada dadka lagu kala xukumo, xarun zakada lagu qeybiyo iyo weiliba hooyga saboolka saxaabada iyo dadka socdaalka ah.

Sidaan wada ogsoonahey fadaa’isha iyo ajarka laga helayo dhisida iyo camirida masaajidaha ma aha wax aan halkaan ku soo wada koobi karno.

Hoaagamiyaha ururka Al shabaab Axmed Cabdi AW Godane wuxuu leeyahay Masaajida Alle waxaa camira uun wax uu ku sheegay munaafiqiin,murtadiin,jawaasis,ma isagaa run sheegaya mise allah ayaa run shegayaa,!!

waxaa cajiib ahin Isaga iyo Madaxda ugu sar-sareeysa ururka Alshabab anaan lagu aragMasaajidaha si aysan munaafaq u noqon. Weligaana ku arki meysid Ina Godane oo Masjid ku tukanaaya hortaa jiraana kasoo wayey masjidka,taasi waxa kasii daran in kooxda ina godane sida tooska ah uga amar qaadata la farro inaysan u dhawaanin masjidka,balse aay u battan meelha uu ka socda fasaadka kale si aan loogaga shakin,!!

Dhana kale madaxda DF ee Soomaaliya iyo ciidamada saliibiga ah ee garabka u ah dowladda, iyo madaxda maamul goboleedyaduba waxey aaminsan yihiin in masaajidaha camiraan kuwa dadka qarxiya iyo Al-shabaab iyo in qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee aan sharecada waafaqsaneyn laga soo maleego masaajidaha. Waana arin fool xumo ah oo lagu duminaayo Guryihii Alle.

Waxaan soo qaadanaya dhowr dhacdo oo caan ah oo ka dhacey dalkeena, si aad u fahamtan dhibaatada ee qolyahaasi ku duminayaan kuna qaribayaan Beytadki Alle. Waxaan ugu horeyntii soo qaadanaya dhibaatada iyo qaribaada Dowladda iyo Ciidamada shisheyeey ku hayaan masaajidaha.

Waxeyna 20kii Bishii Abril sanadkii 2008 ciidamada Itoobiyaanka waxey Masjidka Alhidaya dhexdiisa ku gumaadeen Culumadii somaaliyeed oo ugu caansana sh Saciid Yaxye, sh C/Laahi Maxamuud Ciise iyo Culumo kaleba. Taas o muujineysa sida ey ugu tunteen cidamadi Itoobiyanka xurmada uu lahaa masjidka iyo dadka ehelka u ahaa.

Waxaa sidoo kale 1 may sandkii 2010 dad badan lagu laayey gudaha Masjid ku yaaley suuqa Bakaaraha goobta Cabdale shideeyaha kadib qarax xoogan oo ka dhacey masjidka gudihiisa, kana dhashey miino la dhigey masjidka dhexdiisa. Ujeedka laga lahaana wuxuu aha in lagu qaarijiyo sh Fu’aad Shangole oo xiligaasi duruus diini ah bixinayey.

waxaa ku dhintey miinadaasi 30 ruux, waxaana ku dhaawacmey dad gaarayey ilaa 70 ruux oo badankoodii ahaa Ganacsatada suuqa Bakaare. Dadkaasi oo ah inta badan dadkii u soo gurmadey dadkii ku dhaawacmey qaraxii kowaad ee masjidka ka dhacey iyo dad ka baxsanayey qaraxii gudaha, balse nasiib daro iyagii ba qarax kale lala beegsadey iyadoo taasi kordhisey tirade dhimashada iyo dhaawaca halkaa ka dhacey. Waxaana halkaasi kaaga muuqanaya xurmo darida iyo tacadiga loo geysanaayo beydadkii Alle.

Waxaa kaloo markhaati ma doonta ah in ay marar badan ciidamad Dowladda ay gudaha u galaan masaajidaha waqtiyadda salaada, waxeyna taxaabaan dhalinyaradi salaada u soo xaadirtey, waa nuuc xun oo lagu qaribaayo masaajidaha dalkeena ee ah meelaha ugu jamaacadka badan aduunka,

Kooxda Suufiyada iyadana waxey qeyb ka tahay dhinacyada ku tumanaya xurmada masaajida Alle. Waxeyna 12 august sanadkii 2009, si bareer ah ku dileyn 7 ka mid ahaa wadaado Pakistaaniyiin ah ee dhex joogey Masjidka Towfiiq oo ku yaala magaalada Gaalgacyo.

Ma aha ciidamadda dowlada iyo kuwa shisheeye iyo kuwa suufiyada ah kuwa kaliya ee ku tumanaya xurmada ay masaajidda leeyihiin. Nasiib wanaag qolooyinkaani ma aha kuwa sheegta in diinta Islaamka u gar-gaarayaan oo ay jihaad ku jraan si ay diinta Alle kor ugu qaadi lahaayeen. Mana sheegtaan dadka ay ku leynayaan masaajida ay qeyb ka tahay dhaqan gelinta shareecada Alle. Hasseyeeshee waxaa jira qolooyin kale oo kuwaan ka duwan kana daran,kana cadowsan,ku xeel dheer sida loola dirirro muslimiinta, isla markaana huwan magaca Islaamka, hadana la dagaalamaya shacaa’irtii islaamka iyo xurmada ay lee yihiin masaajidda Alle. Kuwaasina waa xarakadda Al-shabaab gaar ahaan garabka diinlaawe-yaasha ee uu hogaamiyo kaligii taliyaha ina Godane. Waxaa nasiib daro ah in ay sheeganayaan in ay diinta Alle u dirirayaan xaqiiqdane waxey yihiin kuwa Masaajida Alle qaribaya oo diinta Islaamka duminaya.

Waxyaabaha foosha xun ee Alshabaab garabka Ina Godane masaajida ku sameeyaan waxaa ka mid ah dhacdooyinkaan soo socda oo aysan cidna inkiri Karin:

15 febraayo ee sanadkaan 2013 waxey Amniyaatka ina Godane ku dileen magaalada Garoowe sh. C/Qaadir Nuur Faarax (Alle ha u Naxariistee), isagoo ku jira rakcadii 4aad ee salaada casar. waxay dileen sh dr axmed asaga oo soo dukaday salaadii subax jamaaco,waxay dileen sh maxamed tahliil asaga oo kasoo baxay masjidka salaada casar kadib,

Waxaa isweydiin mudan wiilkaan Mujaahidka sheeganaya ee Muslimiintii salaada ku jirtey ee Rabigood u rakuucsanaa argagixiyey,,qaarne toogtay,masaajidkii dhiig ku daadiyeymasjid dhexdisa. Isaga Salaada ma lagu laheyn miyaa? Yaase u dhow Allaah, ma nin tukanaaya ee Rabigiis hortaagan mise mid aan tukaneyn? Maxuuse xukunkiisa yahay qofka dadka salaadaha ka celiya?,maxuu xukunkisu yahay kii soo diray,?? maxuu xukunkiisu yahay kii ku farxay?

11 may ee sanadkaan 2013 Qarax ayaa ka dhacey Masjidka sh Uweys ee ku yaala isgoyska ceel-gaabta ee degmada Xamar-weyne. mid ka mid ah Amniyaatka Ina Godane oo doonayey in uu Bambo gacmeed ka dhextuuro Masjidkaasi, wuxuuna rabey in u ku tuuro ciidamada dowlada oo halkaasi marayey, balse bambodii waxey ku qaraxdey gudaha masjidka, 3 qof uu ka mid yahay ninkii bamboda watey ayaa ku dhaawacmey Qaraxaasi. Dadkiina masjidka ku jireyna wey ka kala carareen. Maalintaasina Masaajidkaasi salaad laguma tukan .

Waxaan kaloo wada ogsoon nahay in ay kooxda ina Godane ku weerareen masaajido ka socdey Nadwo diini ah iyo muxaadarooyin sida masjidka AlRowda ee ku yaala magalada Boosaaso iyo masjidka AlHidaaya ee ku yaala magaalada Neyrobi- Kenya. Sido kale waxey ku tureen bamboo gacmeed dad ku tukanaayey masjid ku yaaley magaaldda Kismaayo ee gacanta ku hayeen Jamaacatu Takfiir.Waxuuna qaraxaasi geystey dhimasho iyo dhaawacba.

Ina Godane in uu masaajida Alle wax ku dilo oo keliya kuma ekaanin ee wuxuu ka joojiyey culumo badan in aay duruus iyo muxaadaro ka aqriyaan masaajida, culumadaasina waxaa ka mid ahaa, Sh abuu Yaasir Almaqdishi uu ka joojiyey duruustii siiradda Nabiga ku saabsaneyd, sh Samatar uu ka joojiyey nadwadii fiqi waaqac ku saabsaneyd, M Burhaan oo loo diidey qudbadaha uu aqrin jirey iyo kutubtuu qori jirey, Zubeyr al-Mmuhaajir oo loo diidey inuu masaajidka ka muxaadareyo waana lagu buuqay markii uu isku dayey inuu qasbado inuu xaqa ka sheego masaajidda allah.

Runtii Culumadda masaajida in ay ka hadlaan ama wax ka aqriyaan loo diidey wey badan yihiin, waxaa kaloo ka mid ah abu Yoonis, sh Mula, sh Cusmaan towxiid iyo kuwa kaleba.

Subaxnimadii xigtey Habeenkii in Godane uu diley Ibraahim Afgaan iyo M Burhaan (Allaah haka aqbalee) ayuu weerar safmareen ah ku qaadey masaajida ku taaley magaaladda baraawe, wuxuuna soo qafaashey culumo ay ka mid ahaayeen abu Yoonis oo duruus aqrinayey iyo Zubeyr al-Muhaajir oo haa Qaadigii maxkamada lagu maxkamadeeyey ina Godane, waxaase si xeeladeeysan uga baxsadey abu Yaasir al-Maqdishi.

Maalintii xigtey oo Jimco aheydna waxeey masaajida ku imaadeen gawaari qafilan oo muraayado madow leh, waxeyna halkaas ka qafaasheen qaar kamid ahaa dadkii qutbada Jimacaha u yimid.

Waxaa xumaan batey wuxuu ka dhigtey Ina Godane Masaajida Alle, waayo wuxuu ka dhigtey dabin uu dadka ku gaado iyo shabaq uu dadka ku ugaarto. Waxaana marar badan maqalnaa dad masaajid kujira, kuwa u socda , kuwa ku dhex tukanaayey amaba kuwa ka soo socda ayaa Amniyaatka ina Godane dileen.

dad badan ayaa wadnaha farta ku hayya mar aay adayaan masaajidka,waxa shaki ka galayaa tollow masaajidka iridkiisa miyaa laguugu dilli doona maanta,

Allaah wuxuu yiri; “ Yaa ka dulmi badan ruux diidey in Alle lagu xuso masaajidiisa oo hadana ku dadaaleysa in uu qaribu masaajida Alle” {Baqara,114}.

Waxaan qormadeyda ku soo gabagabeynayaa su’aalahaan soo socda. Aqristoo; Ina Godane ma dhisayaa Masaajida Ilaahey, mise wuu duminayaa? Ma jecel yahay mise wuu neceb Yahay? Ma dadkoo ugu yeeraya mise wuu ka ceyrinayaa? Ma u nusreenayaa mise wuu la dagaalamayaa? Ma difaacaya mise isagaa horror ku ah??? Ma xurmeeyey mise godob buu ka galey??
Su’aalahaan markaad u hesho jawaab waxaa kuu fududaanaya in aad ogaato xaqiiq dhabta ah ee ah in ina Godane uu diinta wax shaqo ah ku laheyn.

W/Q: Cumar Maxamed,

Xiagasho rasminews.com

You must be logged in to post a comment Login