Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mas’uul ka tirsan Dowlada oo isku dhiibay Alshabaab + Magaciisa

Sep 19, 2015

Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sku dhiibay xoogaga alshabaab sida goor dhow lagu soo daabacay warbaahinta taageerta Al-shabaab.

buy Malegra FXT online, dapoxetine without prescription.

Sarkaalka la sheegay inuu is dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cismaan oo ku magac dheer Maxamed Calow kaasoo ahaa Madaxii arrimaha bulshada iyo Sports-ka degmada Qoryooley ee dhanka Dowlada.

Maxamed Colow waxaa la sheegay inuu iskiis ugu biiiray alshabaab isagoona markiii u tagay deegaanada alshabaab ku dhawaaqay inuu ka towbad keenay la shaqeynta ciidamada AMISOM iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya sida warbaaahinta alshabaab lagu baahiyay.

“Waxaan xaqiijinayaa in aan ka towbadkeenay la shaqeynta cadawga,muddo sanad ka badan ayaan ahaa madaxii Sports-ka degmada Qoryooley,runtii markaan arkay xadgudubyada ay gaaladu u geysanayso Haweenka soomaaliyeed ayaan go’aansaday in aan muslimiinta ku biro”ayuu yiri Max’med Cismaan oo la hadlayay raadiyaha Alfurqaan oo taageera Alshabaab

Dhanka Maamulka Dowlada wax war ah wali kama soo bixin mana aysan xaqiiijin jiritaanka inuu Maxamed Colow isku dhiibay Alshabaab.

You must be logged in to post a comment Login