Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Masuul ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeesan oo gaari yar watay ayaa goordhaw Degmada Dharkeenley gaar ahaan halka loo yaqaano ajabka waxa ay ku dileen Xoghayihii Degmada Kaxda ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo mid kamid ah iaaladiisa.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in rag hubeesan inay gaari ku horjareen gaarigii uu watay Xoghaya Degmada Kaxda kadibna ay rasaas xoogan ku fureen, waxaana goobtaasi ku geeriyooday xoghayaha iyo askari lasocday.

Dableydii dilka geesatay oo gaari yar wadatay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana halka uu dilku ka dhacay durba gaaray ciidamo katirsan Maamulka Degmada Dharkeenley kuwaa oo halkaasi ka qaaday Meydka Xoghaya iyo askarigii la socday.

where can i buy clomid over the counter, lioresal reviews.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amaanka Gobolka wali wax war ah kama soo saarin weerarkan goordhaw lagu dilay Xoghayihii Degmada Kaxda iyo askari ilaalo u ahaa, waxaana dilkan uu imaanayaa xili dilalka qorsheesan iyo qaraxyada ay kusoo kordheen maalmahan Magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login