Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Masuuliyada Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Masjidka oo…?

order Viagra Plus online cheap, purchase dapoxetine.

Weerar Ismiidaamin ay ku dhinteen askar Sacuudiyaan iyo dad kale ayaa shalay lagu qaaday masaajid ay ku tukadaan ciidamada ammaanka ee dalka Sucuudiga.

Ugu yaraan 17-qof oo u badnaa Ciidamadii Masjidka ku dukanayay ayaa weerarkaasi ku dhintay , waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay tiro kale oo askar iyo dad shacab ah.

Urur Daacish bahwadaaga la ah,  garabkiis gobolka Xijaas ee dalka Sucuudiga ays sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi, kaasoo sheegashadiisa soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Qofka  weerarka ka fuliyey masaajid ku yaalla magaalada Abha oo ku taalla koonfurta dalka Sucuudiga oo u dhow xuduudka uu Sucuudigu la wadaago dalka uu dagaalku ka socdo ee Yaman ayan wali la aqoonsan.

Ururkan ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono weerarada uu ku qaadayo waxa uu ugu yeeray dadka khiyaamadda ku sameeyey dalalka kulaalla gacan Carbeed.

Dowlada Sacuudiga ayaa si kulul u canbaareesay weerarka Ismiidaaminta ah, waxa ayna ku hanjabtay Dowlada in tilaabo adag ka qaadi doonto kooxihii ka dambeeyay, Daacish ayaa marar kala duwan weeraro ismiidaamin ah ka geesatay Dalka Sacuudiga.

You must be logged in to post a comment Login