Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaadan Ogeyn oo hada ka socda Magaalada Kismaayo?

Aug 30, 2015 –

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxtooyada maamulka Jubba ay ka soconayaan shirar xasaasi ah oo u dhaxeeya wafdiga dowladda iyo maamulka Jubba.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid ayaa la kulmaya madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale oo maamulkaasi kamid ah.

“Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmaya madaxda maamulka Jubba, illaa iyo hadda lama oga waxa laga wada hadlayo, waxaana dhinacyada shirarka u dhaxeeya ay ku wada jiraan madaxtooyada Jubba albaabada ayaana u xidhan” ayuu yiri qof ku sugan Madaxtooyada Jubbaland.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in labada dhinac ay war qoraal ah ka soo saaraan wixii ay ka wada hadleen saxaafaddana la hadlaan.

IMG_01921 order Malegra FXT online cheap, buy Zoloft online.

You must be logged in to post a comment Login