Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MD Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan oo Muqdisho ka dhoofay Xili…

Tadacip buy online, clomid reviews.

Sep 21, 2015

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno lasocda ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna Madaxweynaha u ambo baxay Dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Xasan Sheekh ayaa shir gudoominayay Shirka Wadatashiga ee looga arinsanayo aayaha Siyaasadeed ee dalka marka la gaaro sanada 2016-ka , waxaana shirkan wali uu yahay mid socda oon wali go’aano laga soo saarin lana filayo in saacadaha soo aadan lasoo afjaro shirka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa shirka sii shir gudoominaya, waxaana la filayaa in Shirka gabo gabadiisa laga soo saaro War-Murtiyeed ay isku raacsan yihiin dhinacyada shirka ka qeyb galaya.

Waxaa shalay Magaalada Muqdisho sidoo kale ka dhoofay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya si uu uga qeyb galo waajibadaka xajka ee sanadkan, waxaana shirka Shariif Xasan u matalaya Wakiilo maamulkiisa katirsan.

 

You must be logged in to post a comment Login