Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Meydadka Soomaali laga Helay Xeebaha Dalka Libiya

Kudhwaad 50 muhaajiriin ah oo ay kujiraan soomaali ayaa laga helay Meydadkooda doon gacanta lagu dhigay oo waday muhaajiriin taa oo lagu hakiyay biyaha wadanka Libya , sida ay sheegeen ilaalada xeebaha wadanka Libya.

Warbaahinta wadanka Talyaaniga ayaa tabiyay in dhimashada muhaajiriintan ay kadhalatay hawo la’aan doonida dhaxdheeda ku qabsatay muhaajiriinta madama doonida dadka saaarnaa ay aad u badnaayeen.

430 ruux  oo doonida la saarneed dadkan dhintay ayaa lasoo badbaadiyay waxaana qeyb ka qaatay badbaadintooda markab laga leeyahay wadanka Sweden.

Howgalkan badbaadada ah ee kadhacay bada Mediterranean-ka ayaa qeyb ka ah 10 howgal oo maalmihii lasoo dhaafay  maraakiibtu ay kasameenayeen meditreian-ka.

Qaramada midoowe ayaa sheegtay in sanadkan kaliya ay bada udhaxeysa Talyaaniga iyo Libya  kudhinteen 2,000 oo muhaajiriin ah oo isku dayaye iney Yurub galaan.

buy zoloft, buy Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login