Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mid ka mid ah xaasaskii uu ka geeriyooday Shiikh Osama Bin Ladin Hoggaamiyihii Ururka Al-Qaacida

Mid ka mid ah xaasaskii uu ka geeriyooday Shiikh Osama Bin Ladin Hoggaamiyihii Ururka Al-Qaacida oo magaceeda la yiraahdo Amal Sadaac Abdilfataax ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka baxday Aamusnaanta iyadoo kashiftay sir dhowr nooc ah oo aad uga yaabisay Caalamka, sidoo kalena waji gabax ku noqotay dowlada Mareykanka oo sirtan qarisay markii hore.

Amal Sadaac oo markii weerarka lagu qaaday guriga Bin Ladin la joogtay Seygeedii ayaa sheegtay in askar aad u fara badan oo Mareykan iyo Afganistaan isugu jiraa ay soo galeen agagaarka guriga ayagoo diyaarado dhowr ah kasoo daatay.

Waxey sheegtay xaaskani in rasaas iyo dagaal jilbaha la isku aastay kaasoo dhex maray ciidankii isbaheysiga iyo ilaaladii Bin Ladin, ugu dambeyna la dhameeyay ilaaladii Bin Ladin oo ahaa kuwa tiro ahaan u aad yaraa.

Bin Ladin oo markaas qolkiisa ku jiray ayey Xaaskiisu sheegtay inuu qori soo qaatay isla markaana uu daaqada la aaday si uu rasaas uga rido, balse isla markiiba waxaa madaxa ka haleeshay rasaas socota, isagoo bay tiri isla meeshii ku dhacay naftuna uga baxday.

Amal Sadaac Abdilfataax ayaa sidoo kale sheegtay in daqiiqad kadib ay askartu soo galeen guriga ayagoo qolka usii gudbay kadibna arkay shiikha oo meyd ah, dabadeedna si deg deg ah ula cararay diyaaradii gargaarka ee ay wateen, ayagoo si deg deg ah diyaarada ku kiciyay.

Arinka ugu yaabka badan ee Mareykanku uu qariyay ayey Xaaska Bin Ladin sheegtay inuu yahay kadib markii diyaaradii la kiciyay oo ay damacday in ay duusho ayaa waxaa qarax uu is qabsaday gabi ahaan diyaaradii taasoo halkii ku burburtay, ayadoo uusan qofna ka badbaadin.

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa la sheegay in uu dhacdadaan daawanayay si toos ah, isagoo isla markiiba amray in arinta la been abuuro iyadoo caalamka loo sheegay in Osama la dilay, meydkiisa badda lagu riday.

Arintan Maraykanka ayaa Caalamka oo idil ay rumeysan waayeen, maadaama in ka badan 10-Sanno ay Mareykanku baadi goobayeen, meydka Bin Ladin si ay caalamka u tusaan una sheegtaan in ay ka adkaadeen codowgooda koowaad ee ay ku tilmaamaan Al-Qaacida.

Isku soo wada duuboo hadalka Xaaskii Bin Ladin ayaa durbadiiba waxaa dunidu isugu faafisay si xad dhaaf ah, maadaama sirtan iyo sida wax u dhaceen ay dowlada Mareykanka dhabar jab ku tahay, waxaana Saxaafadda Caalamku ku tilmaameen hadalka Xaaska Bin Ladin inuu yahay midka ugu Macquulsan ee la rumeysan karo, balse in Mareykanku uu Osama Bin Ladin dilo hadana Meydkiisa badda ku daro aysan aheyn wax la aamini karo.

Xaaska Bin Ladin ayaana sheegtay in ay ilaahey uga mahad naqeyso sida uu u asturay iimaamkeedii sidoo kalena ay ku sheegtay geesi Muslimiintu ku faani doonto, ayadoo intaas ku dartay in ILAAHEY kashifay sirta iyo hadafka ay gaaladu maleegeen, kaasoo ahaa in indhaha caalamka la tuso Bin Ladin oo meyd ah.

You must be logged in to post a comment Login