Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mooashinki Xassan Sheikh oo qashinka lagu daray

Xildhibaano J/land kasoo jeeda oo ku dhawaaqay Go’aan

Kadib kulamo iyo tashiyo kala duwan oo ay yeesheen, xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee kasoo jeeda Jubbaland ayaa go’aansaday in ay ka laabtaan mooshinka xilka looga tuurayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay horey u saxiixeen.

Kulanka oo ay hormuud ka ahaayeen wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Guuleed Cabdiqaasim iyo Dr. Cabdullaahi Warfaa ayaa waxaa la’isku waafaqay in waqtiga u haray madaxweynaha uu aad u yaryahay, mooshinkana uusan ahayn xalka ugu wanaagsan.

“Waxaan guddoonsanay in aan ka shaqayno sidii mudada dhiman waxa wanaagsan loo samayn lahaa, jiho fiicana loo marsiin lahaa qorshayaasha 2016-ka iyo dhismaha dowlad goboleedyada, iyo dib u eegista dastuurka, sidaasi darteed waan ka laabanay mooshinkii aan saxiixnay” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Shuuriye.

buy Cialis Jelly online cheap, acquire lioresal.

Mooshinka ayaa waxaa saxiixday 93 xildhibaan taariikhda markii ay ahayd 12-kii bishan Agoosto, iyaga oo madaxweynaha ku eedeeyey in uu ku xadgudbey dastuurka.

“Waxyaabaha madaxweynaha lagu eedeeyey waxbaa ka jira, hase yeeshee xalka ugu fiican ma ahan xil ka qaadis, marka la eego danaha qaranka ee naga lumaya, waxaa habboon in laga wada shaqeeyo sidii lagu hagaajin lahaa waxa dhiman” ayuu yiri xildhibaan kale.

You must be logged in to post a comment Login