Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mushkilad cusub oo soo wajahaysa Ciidamada AMISOM …

Super Tadarise no rx, buy clomid. Wargeys-ka Sunday Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay warbixin lagu sheegay in midowga yurub uu doonayo inuu dhaqaalo ka jaro lacago uu siiyo ciidamada howlgalka AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Warka ayaa lagu sheegay in midowga Yurub uu doonayo in ciidamada Kenya iyo Ethiopia looga fadhiyo in Alshabaab ka saaraan deegaanada Jubbooyinka, xitaa haddii dhaqaalaha laga jaro, sida wargeyska uu daabacay.

Wargeyska ayaa daabacay warbixinta isaga oo soo xiganayo diblumaasiyiin ka tirsan Midowga Yurub kuwaasi oo hogaamiyaasha gobolka iyo deeq bixiyaasha ay ku kulmeen magaalada Addis ababa loona sheegay in Midowga Yurub uu qorsheynayo inuu jaro 20 boqolkiiba lacagaha uu siinayay AMISOM.

Kulanka Addis ababa ayaa looga hadlayay sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka iyo gobolada kale ee dalka.

Bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay midowga Yurub ayaa 1 Bilyan oo doolar ugu deeqday AMISOM, waxaana askari kastaa oo AMISOM ka tirsan mushaar ahaan loo siiyaa 1,028 doolar.

You must be logged in to post a comment Login