Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muwaadin udhashay Mareykanka oo Lagu dilay Deegaanada Puntland

Aug 25, 2015

Wiilkan Soomaaliga ah ee kasoo jeeda Gobolka Minnesota  heystana Dhalashada wadanka Mareykanka ayaa la sheegay inuu u dhintay jirdil loogu dhaxgeystay iskuul nuuca la seexdo ah oo ku yaalla Deegaanada maamulka Puntland.

TV-ga FOX 9 ee wadanka Mareykanka oo lahadlay Waalidka dhalay wiilkan ayaa sheegay iney aamisanyihiin in wiilkooda loo dilay “Ahaanshaha Mareykan”, ayna ka murugsanyihiin dilka wiilkooda.

Ammar Abdirahman , oo 17 sano jir ah waa wiilka lagu dilay Puntland waxa uu ku dhashay Minnesota , balse bishii December sanadkii hore ayaa waxaa soomaaliya usoo diray Qoyskiisa si uu dalka gudihiisa ugu barto Dhaqanka Soomaaliyeed.

Hooyada dhashay Camaar ayaaa FOX9 u sheegtay “ Wiilkeygu waxa uu ahaa qof wanaagsan , waxa uu jeclaa inuu dadka su’aalo weydiyo ,aad buu u jeclaa Soomaalida ,balse waa a jirdileen  waana ay dileen, wiilkeyga”.

Brand Cialis for sale, cheap dapoxetine.

Ehelada wiilka ladilay oo FOX9 la wadaagay sawiro laga soo qaaday Meydka Camaar yaa muujinaye jirdil iyo garaac xoogan oo wiilkan dhintay korkiisa kamuuqday.

You must be logged in to post a comment Login