Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MW Xasan Sheekh oo beeniyay inuu ka tirsan yahay koox gooni ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay wararka sheegaya in wada shaqeyn ay kala dhexeyso kooxo daniistayaal ah oo kasoo horjeeda danaha Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay inuu beeninaayo wararka la xiriira inuu gacansaar la leeyahay kooxo gaar ah, waxa uuna Tilmaamay in hadafkiisa uu yahay inuu la dagaalamo kooxaha iyo shaqsiyaadka gaarka ah ee doonaayo in danaha Umadda Soomaaliyeed ay ka hormariyaan tooda gaarka ah.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inta uu talada hayo in uusan aqbali doonin ujeedo koox gaar ahaaneed islamarkaana wax weliba wada tashi ay ku islaaxi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carabka ku dhuftay inay suuragal tahay in Kooxo gaar ah oo kasoo horjeeda danaha Somalia uu kala hadlo sidii xal loo gaari lahaa balse uusan ku taageeri doonin arimahooda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli la isla dhexmaro in Koox diimeed gaar ah uu ka tirsan yahay dhaqaalaha dalkana uu gacanta u galiyay. Viagra Caps buy online, order lioresal.

You must be logged in to post a comment Login