Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nabadoon Khamiis Daa’uud Cumar oo xalay lagu dilay Gobolka Gedo

Nabadoon Khamiis Daa’uud Cumar oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Gobolka Gedo, ayaa waxaa xalay lagu dilay deegaanka Nus-dariiqa, oo qiyaastii 30km u jirta deegaanka Dhamase, oo dhacda xuduuda Gobolka Gedo la wadaago dalka Kenya.

Xoogag hubeysan, ayaa xilligii afurka ka dib hoygiiisa ugu galay Nabadoonka, iyagoona ku dhex dilay. Dilkiiisa ayay dadka deegaanka sheegeen in rasaasta nool nool loo adeegsaday.

Xoogaga dilka gaystay oo tobonaan nin gaaraayay, ayaa boob kula kacay shacabka ku dhaqan deegaanka Nus-dariiqa, kuwaa oo ay ka qaateen wixii ay haysteen.

Nin ka mid ah dadka deegaanka oo u waramay Dhacdo.com, ayaa sheegay dableydaasi inay ka soo tallaabtay dhinaca xuduuda Kenya, isla-markaana ay dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Waxaa jira warar sheegaaya kuwa dhibaatada gaystay inay la shaqeeyan Ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya, lamana garanaayo waxa ay Nabadoonka u dileen, boobkana ugu gaysteen dadka rayidka.

buy neurontin online, buy dapoxetine online. Shacabka ku nool Nus-dariiqa, ayaa aad uga carooday tallaabada lagu dilay Nabadoon Khamiis, oo si weyn looga garanaayay deegaankaasi iyo deegaanada kale ee xuduuda ku dhow dhow.

Dilka Nabadoonka wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo toddobadkan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya laga dareemay dilalka ka dhanka ah Odayaasha Dhaqanka.

You must be logged in to post a comment Login