Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nickolas Kay oo xariga wariyayaasha uga digay dowladda Soomaaliyeed

 Danjire_Nicholas_Kay_Somalia_660

sildenafil withoutprescription, zithromax without prescription.

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay xariga dhawaan magaalada Muqdisho loogu geystay wariyaasha Taleefishinka Universal ee dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wakiilka xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha Internetka ayaa waxaa uu ku sheegay in Soomaaliya xiligan looga baahneyn in lagu caburiyo Saxaafada.

Wakiilka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay ineysan caqabad ku noqon saxaafada Soomaaaliyeed ee ka shaqeeyo magaalada Muqdisho.

Mr Kay wuxuu sheegay in Soomaaliya xiligan u baahan tahay saxaafad ah, loona baahan yahay in la dhowro xuriyada Saxaafada, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu Twitter ku leeyahay.

Sidoo kale waxaa qoraalkiisa uu ku sheegay in xiligan loo diyaar garoobaya habka doorasho ka dhacdo Soomaaliya, iyadoo saxafada ay qeyb weyn ka ciyaarto baahin doorashooyinka qaranka.

Nickolas Kay, ayaa sheegay in Wariyaaasha Soomaaliyeed ay qeyb ka qaateen horumarka qaranka Soomaaliya.

Agaasimaha Tv-ga universal ee bariga Africa iyo Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa u xiran dowlada Soomaaliya, waxaana bahda warbaahinta dhankooda ay ka dalbadeen dowlada Soomaaliya iney sii deyso wariyayaashaasi.

You must be logged in to post a comment Login