Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nin Taksiile ah lagu dile degmada Dayniile iyo 10 nin oo loo qabtay dilkiisa

Rag Hubaysan ayaa gudaha degmada Dayniile ku dilay marxuum ahaa dagsiile laga yaqaano degmadaas sida uu sheegay ruux goob jooge ah.
Xabado dhowr ah ayaa lala beegsaday Taksiilahan oo kusugnaa meel aan ka dheereyn gurigiisa, waxaana markii uu dilkas dhacay goobta gaaray ciidamo katirsan kuwa dowlada.
Howlgallo ay ciidamadaas sameeyeen ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay kusoo qabteen dad looga shakisan yahay dilkan ka dhacay degmada Dayniile.
Sargaal uhadlay nabad sugida gobolka Banaadir ayaa sheegay in 10 ruux oo dilkaas looga shakisan yahay laqabtay walina ay howlgalo socdaan.
Dilkan ayaa qeyb ka ah falal amaan xumo oo waayadan kusii badanaya magaalada caasimada ee Muqdisho iyadoo isla maanta xaafada Towfiiq lagu dilay askari katirsanaa ciidamada ilaalada wadooyinka.

You must be logged in to post a comment Login