Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Obama oo Maanta waqti siiyay ka hadalka arimaha Somalia (Maxuu yiri?)

Obama oo Maanta waqti siiyay ka hadalka arimaha Somalia (Maxuu yiri?)

Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa soo hadal qaaday maanta arimaha Soomaaliya mar ay shir jaraaid isla qabteen Madaxweynaha Kenya.

Barak Obama oo su’aalo badan laga weyiiyay arimaha soomaaliya ayaa waqti siiyay ka hadalka arimaha Soomaaliya gaar ahaan alshabaab ayuu meelo badan ka taabtay.

Obama ayaa sheegay in alshabaab awoodooda la wiiqay laakiin ay wali jirto halistooda marka la eego weerarada ay geystaan

“anaga iyo kenya waxaan nahay bah wadaag marka la eego dagaalka lagu jiro argagaxisada Alshabaab”ayuu yiri Madaxweyne Obama

Mar uu soo hadal qaaday weerarkii ay alshabaab soomaaliya ka fuliyeen Kenya gaar ahaan jaamacada gaarisa iyo suuqa westgate ayuu sheegay inay adag tahay si looga hor istaago qof doonaya inuu geeriyoodo.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay doorka Kenya ay ku leedahay arimaha Soomaaliya ayuu ku amaanay ka qeybgalkooda howlgalka Amisom iyo sidoo kale sida ay u marti geliyeen qaxootiga Soomaalida.

“waxaan kaga mahdcelinayaa Kenya sida ay u marti geliyeen qaxootiga Soomaalida ee dhibanayaasha u ah argagaxisada alshabaab”ayuu yiri Omaba

Dhanka kale mar uu ka hadlayay heshiisyada ay kala saxiixdeen Kenya ayuu sheegay inay qalinka ku duugeen heshiisyo ganacsi isagoo rajo ka muujiyay in shirkadaha Mareykanka ay fursad siiyaan ganacsiga Kenya.

Vigora online, generic dapoxetine.

“mareykanka horumarka uu Ganacsiga ka gaaray ma jiro dal u babac dhigi kara oo dunida ka mid ah”ayuu yiri Obama oo dalkiisa ku amaanay ganacsiga meesha ay ka joogaan.

You must be logged in to post a comment Login