Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaramada Midoobay oo ku hanjabtay inay burburin doonto awooda Ahlusuna hadii uu xaalka sidaa kusii socdo

Cialis no rx. Cialis online, buy zithromax online. Ergayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nickolas Key ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ka gaabineyso kaalintii kaga aadaneyd hanashada Maamul Goboleedyada dalka.

Key ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan u dulqaadan doonin waxyaabaha ka socda Magaalada Dhuusamareeb waxa uuna sheegay in Qaramada Midoobay ay qaadi doonto talaabooyin lagu burburin doono awooda Ahlusunna wal-jameeca.

Waxa uu Key carabaabay in Qaramada Midoobay ay garabtaagan tahay kaliya Dowlada Somalia wixii kasoo harana aysan la jaanqaadi doonin wixii intaa kasii badan, wuxuuna cadeeyay in awooda Ahlusunna ay sheeganeyso ay u dhiganto awood Maleeshiyo beeleed taasina aysan u hakan doonin Dowlada iyo Qaramada Midoobay.

‘’Waxaa burburi doona kalsoonidii Qaramada Midoobay ay u qabtay Ahlusunna hadii wax laga bedeli waayo awoodaha ay Ahlusunna sheeganeyso waxaa waajib nagu ah inaan ka qeybqaadano burburinta ahlusunna waayo waxaa dhamaaday dulqaadkii, ujeedka ahlusunna waxa mid lid ku ah dhicitaanka doorashada taasina masuuragali doonto’’

Carada Nickolas Key, ayaa u muuqanaayo mid taageero loogu muujinaayo Dowlada Somalia, balse waxaa meesha ka maqan talaabooyinkii waajibka ku ahaa Qaramada Midoobay markii laga soo tago hanjabaada Nickolas Key.

Ahlusunna ayaa weli ku dhagan mowqifkeeda waxa ayna taasi qalqal galisay hamigii beesha caalamka ay ka qabtay doorsho xor ah oo ka dhacda Somalia, Ahlusunna ay kala dhantaashay maamulkii dhismihiisu rajada laga lahaa.

You must be logged in to post a comment Login