Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya uu xiriir la leeyahay uruka Al-Shabab

Warbixin ay soo saartay QM ayaa la xiriirisay sargaal ka tirsan aqalka baarlamaanka ee dalkani kenya Xarakada Al-Shabab.

Warbixinta oo ay soo saartay kooxda dabagalka arimaha Soomaaliya iyo eratariya ayaa sheegtay in sargaalkani kamidka ah shaqaalaha baarlamaanka dalka uu taageero Al-Shabab ee xiriirka la leh urur waynaha Al-Qaacida .

Warbixinta Qaramada Midoobay oo aan carab baabin sargaalkani ayaa waxa ay muujinaysaa in gaar ahaan ninkani uu gacan ka gaysto qorida dadka jihaad doonka ah .

Warbixinta Qaramada Midoobay oo ku tilmaamtay sargaalkani mid ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka Kenya ayaa waxa sidoo ay warbixinta cadaynaysaa in shaqsigani uu yahay xubin ka mid ah gudiga masaajid ku yaala magalada tan Nairobi oo horay loogu eedeeyay in ay argagixisada maal galiayan iyaga oo u sii maraya kooxda AL Hijra.

Waxa uu shaqsigani xubin ka yahay sida warbixinta ku xusan gudiga masaajidka Riyadha Mosque ee xaafada Pumwaani ee nairobi .

You must be logged in to post a comment Login