Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay Hogaamiyaha Cusub ee Puntland C/wali Gaas

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nickolas Kay oo munaasaadda ka hadlay ayaa shacabka Puntland ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee maanta la doortay iyo doorashada sida ay ku dhacday.
“Muddo 15 sano ah oo ay Madaxweynihii afaraad ay doortaan maamulka Puntland, ayaan nasiib u yeeshay in aan idinkala qayb galo munaasabaddaan qiimaha badan leh, anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay iyo Wakiilada beesha Caalamka ee halkaan fadhida waxaan hambalyayneynaa doorashada sida ay u dhacday, waxaana u mahadcelinaya Madaxweynaha la doortay C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole sida sharafta leh ee ay doorashadu ku dhacday” ayuu yiri Nickolas Kay hadalkiisa ku daray.
Mr Kay ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka cusub ee Puntland looga fadhiyo in uu meel mariyo saddex arrimood oo kala ah hirgelinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada, sida nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabo kale oo muhiim ah , isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay taageerayso qorshahaasi iyo sidoo kale in Puntland ay door muhiim ah ka qaadato hirgelinta Federaalka oo ay Dowladda Soomaaliya qaadatay.
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nickolas Kay ayaa sheegay In si deg deg ah loo bilaabo nidaamka axsaabta ee dimoqraadiyada ah si doorashada soo socota ay u noqoto mid ay dadweynuhu soo daartaan iyo in baarlamaanka cusub ee shanta sano ee soo socotana ay noqdaan kuwa lagu soo biiriyo xubno badan oo dumar ah.

You must be logged in to post a comment Login