Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax Maanta Ka Dhacay Isgooyska Sanca ee Magaalada Muqdisho

Mid kamid ah gaadiidkii laga shakisna saaka ayaa hada ku qarxay iskooyska Sanca ee magaalada Muqdisho kaasi, oo la sheegay in uu ku gubtay ruuxii waday.
Gaariga ayaa ahaa nuuciisu nuuca raaxada ee Kaaribta Soomaalidu u taqaan, waxaana jirin qasaare kale oo ka dhashay.
Dad Goobjoogayaal ahaa Ayaa Waqaad u sheegay in gaariga ay arkayeen isagoo gubtay, waxaana la sheegay in gaarigaan uu ahaa mid kamid ah todobo gaari ee saaka la sheegay in Muqdisho ay qaraxyo ka wadaan.
Haweeney goobjoog u ahayd dhacdada ayaa sheegeysa in hal ruux uu ku dhintay qaraxa sidoo kalana 3 kale ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale labo kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka Muqdisho ayaa faahfaahin kabixiyay.

Gudoomiyaasha degmooyinka Kaaran iyo Yaaqshiid ayaa ka hadlay qarax ka dhacay manta isgoyska Sanca oo kala qeybiya labada degmo.
Gudoomiyaha Yaaqshiid ayaa saxaafada u sheegay in gaariga ay la haayeen shaqaalaha wasaarada howlaha guud ee dowladda, waxaana uu shegay in uu ku gubtay ruuxii waday, isagoo sheegay in wali baaritaan ay socdaan.

You must be logged in to post a comment Login