Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaraxyo Goordhow Ruxay Magaalada Muqdisho iyo Gaadiidka Tarsan oo lala beegsaday

War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax lagu weerar baabuur uu lahaa guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Guddoomiyaha ma saarneen xilliga weerarka uu qabsaday baabuurkiisa, oo galabta lagu weerar xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay hal askari ayaa ku dhintay in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan shisheeye u dhashay dalka Hindiya.
Baabuurka la qarxiyay ayaa la sheegay in gabi ahaan uu burburay, waxaana la socday ajaaniib fara badan sida ay lee yihiin dad goobjoogayaal ah.
Mid ka mid ah ajaaniibta ku dhaawacantay weerarkaas ayaa la sheegay in xaaladiisa ay halis tahay, waxaana loola cararay isbitalaalka AMISOM ee Xalane.
Ajaaniinta la weeraray ayaa la sheegay in maalmahan ay u joogeen caasimada siddii ay u qiimeen lahaayeen dib u dhis xooggan oo magaalada laga sameeyo.
Waxaana shaqaalahan dalka keenay wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.
Ma jirto cid sheegatay weerarkan galabta lagu qaaday shaqaalaha Hindiya u dhashay ee u joogay magaalada dib u dhiska caasimada iyo xarumaha dowladda.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shaley magaalada lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigleey Maxamed Axmed Taakow. sidoo kale magaalada waxaa maalmahan ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheesan, waxaana dhammaan sheegtay ururka Al-Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login