Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qodobo oo la hordhigay hadii Afhayeenka Al Shabaab isa soo dhiibayo

Sep 7, 2015 –

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta hadal ka jeedinayay munaasabad lagu soo gabagabeynayay Ololaha dhaqanka iyo Hidaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu ay tahay mid u sabarta shacabkeeda, islaamarkaana cafisa cid walba oo qaladka ay gashay dib uga soo laabata.
Waxa uu sheegay wasiirka in hadii ay dhacdo in dowladda isku soo dhiibo Afhayeenka Al-shababa Cali Dheere ay cafinayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladnimado waa dadka, hadii ay wanaagsanaato idinka ayeey idiin wanaagsanaaneysaa, hala is garab istaago, ciidamada hala garab istaago, dadka Nabad diidka ah iyaga oo dowladda dhibaya, qarxinaya oo laynaya ayeey tiri cafis baad tihiin, Cali Dheere hadii uu maanta yimaado waa cafis, Soomaali kasta intaas ayaanu dilnay soo ma dhaho, intaas ayaan qarxinay oo eber ka dhignay soo ma dhaho, maanta hadii uu yimaado waa cafis, waayo waa Soomaali la qalday , inaan dhaqan celinno, meel geyno uu arko in dadka ay Muslim yihiin, in cibaadadooda ay ka badan tahay tiisa inuu arko baan diyaar u nahay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Sidoo kale wasiir Maareeye ayaa yiri “hala is garab istaago, dadkaasi haloo caqli celiyo, ciidamada ammaanka halala shaqeeyo, qofkii nabad galyo darra wada hala soo qabto, dalkaaga adaa is kaleh dowladaada adaa is kale, hadii aad aragto qof madaxweynaha wax ka sheegaya, inta uu xilka hayo cidna waxba kama sheegi karto, sharafkaagi iyo wejigaaga weeye, hadii uu wax haleeyay shuruuc baa jirta, adiga qaadigii ma tihid, hadii qof walba qaadi, xisaabiye iyo hanti dhowr noqdo sidee wax ku soconayaan oo madaxda laga been abuuro oo dowladda la been abuuro, dowladaada wey xun tahay lagu dhaho haka yeelin, ku dheh dadka banaanka ka yimaada dowladaada wey xun tahay,wuu kula dagaallamayaa, hay’ado ayaa u xil saaran in wixii xun la xisaabtamaan, shacabkana waa in ay taageeraan dowladda” ayuu yiri wasiir Maareeye.
order dapoxetine, order lioresal. SHEEKH-CALI-DHEERE

You must be logged in to post a comment Login