Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

R.W C/weli oo fariin udiray Baarlamaanka Somalia

Fariin uu soo diray maanta Ra’iisalwasaaraha Somaliya Dr C/weli Shiikh axmed Maxamed ayuu ugudbiyey Gudoonka sare ee baarlamanaka Somaliya waxaana uu ku dalbaday in loo kordhiyo waqtiga uu heysto.

Waxa uu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka uu ku dalbanayo wakhtiga in loo kordhiyo maadaama shalay xilligii soo magacaabista xukuumada baarlamaanka uqabtay ay ka dhamaatay.

Dr C/weli ayaa hadda heysta sharci ahaan 10 maalmood kaliya inuu kusoo dhiso Xukuumad Cusub waxaana fariinta uu maanta soo diray dood kulul hadda ka yeelanaya mudanayaasha baarlamaanka Somaliya.

Wixii faah faahino kasoo kordho arimahaan dib kala socda insha allah

You must be logged in to post a comment Login