Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo maanta lagu wado inuu tago Magaalada Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah inuu gaaro Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa khilaaf wuxuu kala dhaxeeya Dowladda Federalka Somalia, maadaama Puntland ay wax badan ka tabanayso arimaha Dastuurka Somalia iyo arinta ku aadan Maamulka Galmudug iyo dhaqangelinta heshiisyadii Dowladda Federalka Somalia ay horay u kala saxiixdeen.

Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya sababta ugu weyn ee Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu u tagaayo Magaalada Garoowe inay tahay in la xaliyo khilaafka Maamulka Puntland kala dhaxeeya Dowladda Federalka Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegayaa in Magaalada Garoowe uu kula kulmi doono Madaxda Maamulka Puntland oo ay ka wada hadli doonaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka taagan iyo tabashooyinka Puntland ay ka muujinayso Dowladda Dhexe.

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa shalay wuxuu soo saaray awaamiir ka dhan ah Dowladda Federalka Somalia.

generic sildenafil, generic clomid. Akhriso qodobada

1: Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray Dastuurkii lixda saxiixayaal uu yahay kii rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aanan sharci ahayn

2: Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray xeerarka Baarlamaanka FD ansixiyay oo aan lagala tashan dowladda Puntland sida uu qabo 111 ee dastuurka DFS, kuwaasoo aanan sharci ahayn, Puntland-na aanan ka shaqayn karin.

3: Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray inaanayn sharci ahayn, guddiga dib u eegista Dastuurka DF, guddiga doorashooyinka, guddiga xaduudaha iyo arrimaha federaalka kamana shaqo gali karaan dhulka Puntland

4: Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray in dhismaha dowlad-gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka Federaalka qodobkiisa 50- farqadiisa lixaad oo ah labo gobal iyo wax ka badan aanan waxba ka jirin Puntland aanayn aqoon-sanayn.

5: Baarlamaanka Puntland waxa uu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga kan xiga qodobaddaasi dowladda Federaalka inay wax ka badashay oo dariikhii saxda ahaa kusoo celiso iyo in kale.

You must be logged in to post a comment Login