Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Raisul wasaare Saaciid oo sheegay iney ilaalinaayaan saxaafada madaxa banaan

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo warfidiyeenada Kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ilaalineyso Madax banaanida Saxaafadda Xorta ah ee ka howl Gasha gudaha dalka Soomaaliya isagoona Ka dalbaday Saxaafadda Xorta ah in ay Ka fogaato waxyaabaha Horseedi kara Xumaanta.
Ra’isal Wasaare Saacid ayaa Sidoo kale waaxa uu ugu baaqay Saxaafadda Xorta ah ee ka jirta Soomaaliya in ay ahmiyadda Siiyaan Ka shaqeynta Wanaagga iyo isu soo dhaawaashiyaha umadda Soomaaliyeed wuxuuna sidoo kale hoosta Ka xariiqay in ay Muhiim tahay in ay Saxaafadda ka qayb qaadato isbedelka Cusub oo ay Soomaaliya Gashay.
Dhanka Kale Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saacid ayaa Xusay in Saxaafadda Xorta ah ee Soomaaliya Ka howl Gasha in ay dowr Shariif ah kaqaadatay Marxaladihii Kala duwanaa ee uu dalka Soomaray.
Hadalka Ra’isal Wasaare Saacid ayaa waxa uu imaanayaa Xilli Wariyaasha ka howl Gala Gudaha Soomaaliya ay Mararka qaar lakulmaan handadaad ,Jirdil iyo Xarig

You must be logged in to post a comment Login