Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Saldhigii lagu xiray Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna oo la weeraray

Aug 21, 2015

Dabley hubeysnaa ayaa lasoo sheegayaa inay weerar ku qaaden saldhig uu ku xirnaa Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna ee Waljamaaca Prof C/laahi Xirsi Diirshe Daacad.

Dableyda ayaa dhowr jiho kasoo weeraray saldhiga si ay u furtaan Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna waxa ayna difaac kala kulmeen Ciidamada amaanka Maamulka Galmuduggaar ahaan kuwa ku qornaa Saldhiga.

order Kamagra Flavored online cheap, acquire zithromax.

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa iska difaacay Dableyda weerarka kusoo qaaday ee taagersanaa Madaxweye ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaatay mudo kooban oo markii danbe lagu ceyrsaday dableyda.

Dableyda ayaa ku guuldareystay inay furtaan Maxbuuskaasi, waxa uuna weerarkaasi qalqal galiyay Masuuliyiinta Maamulka.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka labada dhinac dhexmaray ayaan weli la xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in askari ka mid ah ciidamada amniga uu ku dhaawacmay.

Jawiga ayaa ah mid degan waxaana Saldhiga lagu soo daadiyay Ciidamo dheeri ah.

You must be logged in to post a comment Login