Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Seddex askari oo Dowladda ka tirsan oo lagu qaarijiyay Magaalada Muqdisho iyo Dowladda oo ka hadashay

Seddex xubnood oo kamid ah Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu qaarajiyay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana dilalkooda lagu eedeeyay Ururka Al Shabaab.

Niman bistoolado ku hubeysan ayaa waxay laba kamid ah Ciidamada Nabad Suggida, ay gelinkii dambe ee shaleey ku dileen Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Rag kale oo sidoo kale bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Militariga ee Dowladda, ay ku dileen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Nimankaan ayaa waxay Sarkaalka ka toogteen madaxa iyo feeraha, waxaana u suurta gashay inay dilka kadib isaga baxsadaan Degmada Hodan, oo ay Sarkaalkaan ku dileen.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca ammaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax), ayaa wuxuu sheegay inay ka xun yihiin dilalka loo geystay Sarkaalka iyo labada askari ee ka tirsan Taliska Nabad Suggida.

Warsame Maxamed Xasan ayaa wuxuu dilalka seddexdaan ruux uu ku eedeeyay Xoogaga Al Shabaab, oo iyagu ku hawlan sidii ay u naafeen lahaayeen Ciidamada Dowladda.

You must be logged in to post a comment Login