Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shabaab oo daafacyo ka samaystay Deegaanka Toora Toorow, markii ay gacantoodu ku soo noqotay

Vigora buy online, dapoxetine online. Ururka Al Shabaab oo Isniintii dib ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay ka samaysteen daafacyo, si ay ugu difaacdaan gacan ku haynta Toora Toorow.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa saqdii dhexe ee habeenkii Axada isaga baxay Deegaankaasi, markii gacantoodu ay soo gashay 2-dii bishii hore ee June. Ka bixistooduna waxay ka dambeysay markii Shabaabku ay ciidan xoogan soo dhigeen wadooyinka soo gala, waxaana Ciidamada Huwanta u furneyd wado keliya, taasoo ayna kaga baxeen.

Wararka laga helaayo Deegaanka Toora Toorow waxay kaloo sheegayan Shabaabku inay dib uga hawlgaleen Xaruntii Toora Toorow, Saldhiga, Maxkamadda iyo goobaha kale ee ugu muhiimsan.

Saraakiil ka tirsan Shabaabka oo la hadashay bulshada halkaasi ku dhaqan, ayaa waxay u sheegeen inay dib ugu soo laabteen halkaasi, wax ka yar muddo bil ah oo gacantoodu ay ka maqneyd.

Saraakiishaasi waxay dadku u sheegeen inaysan waxba ka duwanayn Ciidamada Dowladda iyo Amisom, cid kasta oo la shaqaysa, isla-markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Ilaa iyo hadda lama soo sheegin cid ay Shabaabku ku dhibaateeyen Deegaanka Toora Toorow, tan iyo markii ay dib ugu laabteen, lana wareegeen Maamulka.

Kolkii Ciidamada Huwanta ay isaga baxayen Toora Toorow, ayaa waxaa horey u sii raacay Odayaal Dhaqameedyo, kuwaa oo Ciidamada Dowladda iyo Amisom ugu hambalyeeyay qabasashadoodii Deegaanka

You must be logged in to post a comment Login