Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shabeelaha dhexe oo laga bilaabay dhaq dhaqaaqyo Al-shabaab ka dhan ah

Gobolka shabeelaha dhexe waxaa ka bilowday qorshayaal la doonayo in xoogaga alshabaab lagaga saaro dhulka ay ka heystaan Gobolkaasi.

Axmed Meyre Marakaan oo ah Gudoomiye ku-xigeenka amaanka iyo siyaasada maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa u sheegay warfidiyeenka inay ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom diyaar u yihiin weeraro ay ku qaadaan dhamaan deegaanada iyo degmooyinka Al-shabaab ay heystaan Gobolka.

“qorshuhu waa in alshabaab laga saaro Guud ahaan gobolka dhulka ay kaga harsan yihiin”ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka amaanka iyo siyaasada maamulka gobolka Shabeelaha dhexe

Alshabaab ayaa Gobolka shabeelaha dhexe waxay kaga sugan yihiin Degmooyin iyo Tuulooyin ka tirsan shabeelaha dhexe. neurontin reviews, dapoxetine reviews.

Gudoomiye ku xigeenka mar uu ka hadlayay xaalada amni ee gobolka ayuu sheegay inay aad u wanaagsan tahay ilaa iminka.

Warka mas’uulkaan ayaa ku soo aadaya xili sidaan oo kale jubooyinka iyo Gedo laga wado olole ka dhan ah alshabaab.

You must be logged in to post a comment Login