Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shacabka Kenya oo Barakac bilaabay markii Al Shabaab..

Sep 8, 2015

Ku dhawaad 100-qoys oo ku nool degaanka Basuba ayaa guryahooda isaga cararay iyo meelo kale oo ku dhow dhow keynta Boni oo ay ku dhuumaalaysanayaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab dagaalamayaal ka tirsan,haddana waxaa halkasi ku foodleh howlgal Militeri oo ay ku dhawaaqday dowladda Kenya.

Dadkaasi ayaa la sheegay in ay ka baqeen in korkooda lagu dagaalamo waxana ay doorbideen in ay aadan goob nabdoon oo nolashdooda ku badbadin karaan.

Musa Hassan,mas’ulka hay’ada bisha Cas Kenya ugu magacaaban Lamu iyo Kilifi ayaa sheegay in barakaca ay sameenayan dadka uu soo bilaabmay maalintii Jimcada ahayd.

Mas’uulkaasi waxa uu shaaca ka qaaday ciidamada amaanka Kenya ay hadda bilaaben howlgal Militeri oo sedex dhinac le ah waxan uu yahay howlgal dhinaca barriga iyo cirka ah.

acquire tadalafil, acquire dapoxetine.

The Standard jariidada kasoo baxda dalka Kenya ayaa heshay in 600-askari oo Boolis,Militeri iyo ilaalada keymaha ay ka qeyb qaadanayaan howlgalkaasi.

Ciidamada Kenya oo keymaha Al-shabab ku dhuumalaysanayaan meel u dhow tagay ayaa u sheegay dadka degaanka in ay ka fogaadaan dadka hubka sida sharci darada u wata kuwaasina loogu baaqay in ay isasoo dhiibaan inta aan talaabo laga qaadan.

Saraakiisha sirdoonka Kenya aya sheegay in ku dhawaad 300-oo dagaalamayaal Al-shabaab ah oo ajaniib ku jiraan sida muwadinin Kenya ah oo ka tirsan Kooxda Jeesh Al-ayman ee Al-shabab ku leedahay gudaha Kenya,waxana la rumaysan yahay in si aad ah ay u hubaysan yihiin.

You must be logged in to post a comment Login