Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sirdoonka Mareykanka oo Xabsi dhigay Saraakiil Kenyaan ah (Sababta?)

Sirdoonka Mareykanka oo Xabsi dhigay Saraakiil Kenyaan ah (Sababta?)

Warbaahinta dalka Kenya ayaa qoray in Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ka jooga Magaalada Nairobi ee ka qeybqaadaneysa xaqiijinta amaanka Madaxweyne Obama ay xabsi dhigeen Saraakiil Kenyaan ah.

Saraakiisha la xiray oo tiro ahaan gaareysa ilaa Afar ayaa looga shakiyay inay fududeynayaan qalqal galinta amaanka Madaxweyne Obama oo maanta ku wajahan Magaalada Nairobi.

Saraakiishaani la xiray ayaa la qabtay iyaga oo si qarsoodi ah ugu hadlaayay Telefoonadooda, goortii lagu qabtayna ay damiyeen Telefoonka.

Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ee gacanta ku dhigay Saraakiishaani laga shakiyay ayaa wado baaritaano lagu xaqiijinaayo Saraakiishaasi.

Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ayaa shaki weyn ka qaba Ciidamada Kenya oo iyagu dhowr jeer lagu eedeeyay inay la shaqeeyan Maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaana u gudbiyaan shaxda xarumaha dowlada.

tadalafil withoutprescription, dapoxetine without prescription.

Dhanka kale, Saraakiishaani laga shakiyay ayaa xabsi lagu sii heyn doona inta Madaxweyne Obama uu ka dhameysan doono Booqashadiisa.

You must be logged in to post a comment Login