Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Somalia oo ciidan u direysa dalka Yeman

Diblomaasi Soomaali ah oo magaciisa qariyay ayaa wargeys kenya ka soo baxa wuxuu u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu qandaraas kula galay Dowlada Imaaraadka Carabta inay ciiidamo Soomaali ah u diraan dagaalka yemen isagana sidaas dhaqaale badan lagu siiyo. Tastylia buy online, lioresal without prescription.

Diblomaasigaan wuxuu intaasi ku daray in Xasan Sheekh leeyahay hal hadaf taasoo ah inuu lacagta uu ka helo Imaaraadka u adeegsado inuu fashiliyo mooshinka isaga looga soo horjeedo.

Tirada ciidamada wuxuu ku sheegay siyaasigaan inay yihiin 500 askari kuwaasoo sida uu sheegay loo baahnaa inay dalkooda wax u qabtaan halka dal kale loo daabuli lahaa.

Madaxweynaha ayaa dhawaan booqasho ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta markaasuu uu kulamo gaar ah la qaatay madaxda dalka Imaaraadka carabta.

“aniga Nayroobi waxaan u imid si aan warkaan u sheego hadii aan xaga ku hadlana waxaan u cabsaay nafteyda”ayuu yiri diblomasigaasi

Sidoo kale wuxuu sheegay ninkaan magaciisa qariyay in Dowlada Imaraadka Carabta dooneyso inay dagaalka wadooyinka kaga faa’iideystaan Soomaalida oo qibrad badan u leh madaama sanado badan dagaalo ahli ah uu dalkeena ka socday.

Ciidamadaan waxaa heshiiska ku jira in ka hor inta aan la qaadin tababar ay siiso Dowlada Imaaraadka Carabta islamarkaana ay qalabeyso kadib diyaarado lagu qaado.

Dowlada Imaaraadka Carabta oo ka mid ah Carabta Suniyiinta ayaa ku jirta isbaheysiga Sacuudigy hogaaminayo kuwaasoo doonaya inay dib u soo celiyaan Madaxweynaha dibad jooga Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi.

A commanding officer issues orders to recently trained members of the Somali National Army (SNA) as they march during their passing out parade at an African Union Mission in Somalia (AMISOM) training facility on the western fringes of the Somali capital Mogadishu August 14, 2012. 660 Somali soldiers who had recently returned from eight months training in Bihanga, Uganda, passed out along with 48 elite commandos, following a display of tactical and security exercises. REUTERS/Stuart Price/Handout (SOMALIA - Tags: SOCIETY MILITARY) FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS. THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. IT IS DISTRIBUTED, EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS

You must be logged in to post a comment Login