Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Somaliya oo maanta Maxkamadda Cadaaladda Qaramada Midoobe u gudbinaysa ashtako ka dhan ah Kenya

Waxaa maanta lagu wadaa in Somaliya ay Maxkamadda Cadaaladda Qaramada Midoobe u gudbiso dacwad ka dhan ah dalka Kenya, oo la xiriirta in Kenya ku soo xadgudubtay qaybo ka mid ihi Badda Somaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo xubno uu horkacaayo, ayaa gaaray Magaalada The Hague Ee Wadanka Holland, si ay Maxkamaddu ugu gudbiyan ashtakada ka dhanka ah Kenya.

buy paroxetine, buy dapoxetine. Kenya, ayaa waxay dacwadaasi kaga soo jawaabi kartaa muddo sideed bilood, wuxuuna qorshuhu yahay in dhageysiga Maxkamadda ay bilaabato bisha March ee sanadka ina soo aadan.

Somaliya, ayaa Kenya ku eedeysay in lagu qancin kari waayay xuduuda rasmiga ah ee labada dal, taasina ay keentay inay dacwad ka dhan ah u gudbiso Maxkamadda Cadaaladda Qaramada Midoobe.

 

Qareenada lagu wado inay difaacaan Badda Somaliya, ayaa diyaariyay qoraal ka kooban 150 bog, kaa oo ka turjumaaya inta ay ku fadhiso Badda Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay dacwadda ka dhanka ah Kenya inay qaadan karayso dhowr saanadood, loona baahan yahay lacago fara badan oo dacwadaasi lagu sii wado.

Kenya waxay dhankeedu wadaa olole xoogan oo ay ku doonayso inay ku milkiso Badda Somaliya, oo murun xoogani ay ka keentay sanadkii 2005-ta, xilli la sheego inay u gurbaan tumayan qaar ka mid ah Wadamada Reer Galbeedka.

You must be logged in to post a comment Login