Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Soomaali badan oo Doonayay inay si Tahriib ah uga Baxaan Waddanka Masar oo la Xir-xiray

 

acquire sildenafil, zithromax without prescription. Booliiska_Dalka_Masar_Xarig  Wararka laga helayo Waddanka Masar ayaa sheegaya in lagu xiray in ka badan 60-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ciidamada Amniga Dalkaas ay kasoo qabteen Magaalada Aliskandariya oo ku taalla dhanka Waqooyi ee Dalka Masar.

Dadkan ayaa la Sheegay in Xilliga lasoo Qab-qabanayay ay isku dayayeen inay ka racaan Xeebta Magaladaas doon si ay u garaan Xeebaha dalka Taliyaaniga, iyagoo qorshahoodu ahaa inay badda sii maraan.

Xukuumadda Masar ayaa sheegtay in Dadkaan ay Maxkamad lasoo taagi doonto maadama dalkeeda ay ku galeen si sharci-darro ah; waxayna dadkan dalka Masar ka galeen Dhinaca Waddanka Suudaan.

Dowladda Masar ayaa dhawaan dhawr qof oo Soomaali ah dib ugu soo cilisay Soomaaliya, kaddib markii ay heli waayeen Warqadaha Aqoonsiga Qoxootinimo ee ay Waddankaas ku joogeen.

Sidoo kale, Xukuumadda Masar ayaa dhowr jeer sidan oo kale logu xiray Soomaali badan, kuwaasoo isku dayay inay maraan biyaha u dhaxeeya Dalalka Masar iyo Taliyaaniga si ay u garaan Qaaradda Yurub oo dadkani ay donayaan inay tagaan.

Xabsiyada Waddanka Masar ayaa waxaa haatan ku jira Somali kale oo fara badan, kuwaas oo aan wax Maxkamad ah weli lasoo taagin.

Ugu dambeyn, Safaaradda Somalia ee Masar ayaa sheegtay inay isku dayayso in Dowlada Masar ay ka dhaa-dhaciso in Soomaalida xabsiyada ku jira dib loogu celiyo dalkooda ama Qoxooti ahaan loo Aqoonsado.

 

You must be logged in to post a comment Login