Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Soomaaligii ka dambeeyay doontii Lampadusa ku quustay oo la qabtay

Ciidamada Amaanka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay Elmi Mouhamud Muhidin, oo 34 sano jir Soomaali ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa doon Bishii hore ku quustay Xeebta Lampedusa, waxaana shilkaas ku dhintay 350 qof oo Soomaali iyo Ereterian u badnaa.

Elmi-Lampedusa-1Ninkan la qabtay ayaa ciidamada Booliska Talyaaniga ay garba tuub u xereen iyagoo u dhaadhiciyay xabsiga, si loo maxkamadeeyo.waxayna in mudo ah ku daba joogeen sidii ay u heli lahaayeen isaga iyo nin kale oo Liibiyaan ah oo sawiradooda dadka loo qeybiyay si ay u soo sheegaan haddii ay arkaan.

Elmi ayaa qabashadiisa ka danbeysay farmuuq lagu sameeyay, isagoo dhawaan dooni kusoo xeratay Lampadusa la ogaaday inuu soo galay Talyaaniga, waxaa sidoo kale lagu eedeynayaa inuu la shaqeyn jiray kooxaha dadka iibsada ee madax furashada ka qaata ka hor inta aysan soo gelin Liibiya oo badanaa dhacdo in dadka lagu qabsado guryo kooxo dadka ka ganacsada iska leeyihiin.

You must be logged in to post a comment Login