Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

TACSI TIIRAANYO LEH: AUN. Marxuumad Maryan Cali Muudey oo ku geeriyootay UK

Waxaa shaleey galabti taariiqduna aheyd 27/06/2013 magaalada London ee dalka Britain ku geeriyootay Fanaanad Maryan Cali Muudey oo kamid ahayd fanaaniintii qaranka Soomaaliyeed, isla mar ahaan taasna ahayd Macalimad aad looga yaqaanay berisamaadkii wadanka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Maryan Cali Muudeey heesaha ay qaaday oo dhanka tacliinta ah ayaa waxaa kamid ahaa heesta la yiraahdo (Alif la kor dhabay Alif la hoos dhabay Alif laa godey) oo ay aad u yaqaanan dhamaan dadka ku hadla luuqada Soomaaliga.
Dhanka kale, Maryan Cali Muudeey waxay sidaas oo kale wax ka qaaday heeso badan oo Nabi ahaan ah, oo lagu weeynaynayo rasuulkeena suuban Nabad Gelyo iyo naxariise kor kiisa ha ahaatee.
Maryan Cali Muudeey waxay u dhaxday Wariye Maxamed Aaden Xersi (Terra) oo isaguna muddo dheer kusoo jiray saxaafada Soomaalida, horayna madax uga noqday idaacadii dowlada Soomaaliya haddana madaxa barnaamijyada ka ah Idaacada la iska arko ee Universal TV.
Allaha u naxariisto Maryan Cali Muudeey, Ehelkeedii iyo qaraabadeediina Samir iyo Iimaan allaha ka siiyo, si khaas ahaaneed Seygeeda Maxamed Aaden Xersi (Terra) iyo Gabarteedii Farxiya.
Somalinimo1.com
London UK
info@somalinimo1.com

You must be logged in to post a comment Login