Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taliyihii Hore ee Millateriga Kenya oo Dalbaday in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya

buy clomid, buy clomid online. Jeneral_Julius_Karangi_KDF_ChiefTaliyihii hore ee Millateriga Kenya, Jen. Julius Karangi ayaa dalbaday in Ciidanka Kenya ee Qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] laga soo saaro Soomaaliya.

Jen. Karangi ayaa intaas ku daray in kasoo bixitaanka ciidamada Kenya ee dalka Somalia ay keeni karto in guulihii laga gaaray dagaallada Al-shabaab dhanka ka ah xaqiijin waayo.

Isagoo ka hadlayay Sabtidii shalay ahayd ayuu Karangi yiri. “Aragtideyda waxay ahayd in Ciidamada Kenya mar hore laga soo saaro Soomaaliya, laakiin su’aasha mar walba taagan waxay tahay yaanu kaga soo tagaynaa.”

Sidoo kale, Jen. Karangi ayaa kula taliyay taliska AMISOM ay tahay inay dalbato ciidamo dheeraad ah; kuwaasoo ka Hor-taga colaado-beeleedyada mararka badan kusoo laalaabatay Soomaaliya.

Taliyahan Hore oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray in Markii ay Kenya Ciidammadeeda u diraysay Somalia uu Mareykanku diiday inuu ciidamadiisa u diro, Waayo waxay og-yihiin wixii ay kala klumeen sannadihii 1992-kii iyo 1993-kii oo iyagoo Howlgallo Nabadeyn ah u joogay Somalia ay Kooxihii jiray la dagaalameen.

Dhanka kale, Jen. Julius Karangi ayaa sheegay in Ciidamada dalka Kenya iyo kuwa dalka Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka AMISOM ay Howl-gallada socda horumarro waaweyn ka sameeyeen; ayna Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay ka talin jireen.

“Magaalooyin badan ayaa laga qabsaday Al-shabaab, waana og-nahay meelaha ay joogaan. Balse muddo badan ayay qaadanaysaa inaan gabi ahaan gacanta kusoo dhigno,” ayuu mar kale yiri Taliyihii hore ee Ciidamada Millateriga Kenya.

Ugu dambeyn, Karangi ayaa xusay in Al-shabaab aysan ogeyn muddada ay kusii sugnaan doonaan Ciidamada Kenya Gudaha Somalia, waxaana dhici karta in dib ay ula wareegaan meelihii horay looga saaray marka ay Ciidamada dalka Kenya kasoo baxaan Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee, Ciidamada Kenya oo qayb ka ah AMISOM ayaa Soomaaliya soo galay daba-yaaqadii sannadkii 2011-kii, markaasoo ay wacad ku mareen inay la dagaallamayaan Xoogagga Al-shabaab oo weerarro dhowr ah ka geystay gudaha dalkeed

 

You must be logged in to post a comment Login