Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

UNHCR iyo Talyaaniga oo ku heshiiyay caawinta qaxootiga Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Revatio no rx, buy lioresal online.

Dowladda Talyaaniga iyo hay’adda UNHCR ayaa magaalada Nairob ee xarunta dalka Kenya ku kala saxiixday heshiis lacageed oo ay Talyaaniga ugu talagashay in lagu caawiyo qaxootiga ka so cararaya dalka Yemen ee  ku sugan gudaha dalka.

Munaasabad kooban oo ay heshis ku kala saxiixanayeen dowladda Talyaaniga iyo hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa waxa ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan, safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Fabrizio Marcelli, wakiil ka socday UNHCR, wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan xaquuqda caruurta iyo tahriibayaasha Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale.

Markii uu kulanka soo idlaaday kadib ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Dajire Jamaal Maxamed Xasan oo tilmaamay in heshiiskan uu qeyb ka yahay wax u qabashada qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ka imaanaya.

“Heshiiska ay kala saxiixanayeen dowladda Talyaaniga iyo hay’adda UNCHR, sababta waxa ay ahayd hal milyan oo lacagta Euro ah, oo ay Talyaaniga ugu deeqday UNHCR, lacagta waxaa loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ka yimid Yemen ee ka soo cararay dagaalada dalkaasi ka taagnaa, waxaana ay noqoneysa in sahay safar looga dhigo dadka doonaya in la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka” ayuu yiri Danjire Jamaal.

IMG_0010IMG_0013IMG_0015IMG_0019IMG_0022IMG_0029IMG_0032IMG_0035IMG_0038IMG_0039IMG_0042IMG_0043IMG_0046IMG_0048IMG_0055IMG_0057IMG_0059IMG_0061

IMG_0090IMG_0092IMG_0105IMG_0106IMG_0115IMG_0122IMG_0123IMG_0131IMG_0149IMG_0151IMG_0153

You must be logged in to post a comment Login